HomeUncategorized

Tiro Itoobiyaan Muhaajirin ah oo ku Geeriyooday Gaari kula rogmaday Puntland

Isniin, Oktoobar 12, 2015 (Daljir) —7 Ruux oo Ethiopiana ayaa ku dhintay gaari ku gadoomay duleedka Qardho xili gaarigu uu marayey wado howd ah ,waxana gaariga saarna 120 Qof oo tahbriibayaal oo u badna Ethiopian.

Shir looga Hadlayay Mashaariicda Hiigsiga Soomaaliya oo Maanta Muqdisho lagu Qabtay
Beledweyn oo badi u gacan gashay is-bahaysiga Ahlu Sunna & dawlada federaalka ah.
Al-shabaab oo Gacanta ku dhigtay Diyaarad nooca wax basaasa ah oo ku soo dhacday Buurhakaba

Isniin, Oktoobar 12, 2015 (Daljir) —7 Ruux oo Ethiopiana ayaa ku dhintay gaari ku gadoomay duleedka Qardho xili gaarigu uu marayey wado howd ah ,waxana  gaariga saarna 120 Qof oo tahbriibayaal oo u badna Ethiopian.

5 Ruux ayaa ku dhintay goobta uu gaarigu ku gadoomay, halka labada kalana ay dhinteen intii loo sii waday isbitaalka,ku dhawaad 40 Qof ayaa ku dhawaacmay ,kuwaas oo hada lagu dabiibayo isbitaalka guud ee Bosaso.

Baabuurka rogmaday ayaa ahaa baabuurta waaweyn ee xamuulka qaada, waxaana la sheegay in dadka uu uwaday magaalada Bosaso oo ay rabeen inay ka tahriibaan.

Ciidanka wadooyinka Puntland iyo maamulkuba kama aysan hadlin gaarigan gadoomay ,waxaana magaalada Bosaso sanadadii dambe ka tahriibayey  tahriibayaal ubadan Ethiopian,magaalada Bosaso waxaa kusugan  kooxo tahriibiya dadka,dhawaan ayaana Ciidamadu soo qabteen qaar kamid ah.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: