HomeUncategorized

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya oo Ciidamo isku Biirinaysa

Sabti, Oktoobar 10, 2015 (Daljir) —Wasiir kuxigeenka wasaaradda gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdalla Xuseen Cali iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho kutegey deegaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellaha hoose oo siweyn loogu soodhoweeyey.

Guddoomiyihii gobolka Sool ee maamulka Somaliland & saddex qof oo kale oo ku dhaawacmay qarax lala beegsaday.
DHEGEYSO-Barnaamij gaar ah booskii Maanhadal iyo doorashadii golaha deegaanka Galkacyo.
M/weyne Faroole iyo waftigiisa oo la kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Yemen, kalana hadlay adkaynta xiriirka u dhexeeya labada ummadood.

Sabti, Oktoobar 10, 2015 (Daljir) —Wasiir kuxigeenka wasaaradda gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdalla Xuseen Cali iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho kutegey deegaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellaha hoose oo siweyn loogu soodhoweeyey.

Kuxigeenka wasiirka wasaaradda gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey ammaan duulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, iyagoona u kuurgalay xaaladda deegaanka.

Wasiirka iyo saraakiisha la socotay ayaa deegaanka Lambar 50 kula kulmay waxgaradka deegaankaasi, waxeyna kala hadleen sidii ciidamada XDS loogu soo biirin lahaa maleeshiyaad hubeeysan oo ku sugan halkaasi, kuwaasoo ah kuwa deegaanka.

Waftigaan uu hogaaminayey wasiir kuxigeenka gaashaandhiga iyo dadka deegaanka ayaa kulamo ay wada qaateen waxa ay isku raaceen in xaaladda ammaan ee guud ahaan deegaanka laga shaqeeyo, gacana lasiiyo ciidamada xooga dalka.

By: Abdirashiid

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: