HomeUncategorized

Danjire Michele Cervone iyo Madaxweyne Gaas oo Nairobi ku Shiray

Khamiis, Oktoobar 08, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda Dalka Kenya kullan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Madaxweyne Gaas oo Madaxooyada kula shiray wasiiradii uu dhawaan magacaabay
Baahin: Salaasa, 31 Dec 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali~ Daljir ~ Garowe
Madaxweyne Gaas oo baarlamanka ka dalbaday in si hufan loo wada shaqeeyo xilligan lagu jiro

Khamiis, Oktoobar 08, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda Dalka Kenya kullan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Kullanka oo ay madaxweynaha ku wehliyeen xubno Wasiiro ah oo katirsan xukuumadda Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub kawado Puntland iyo xoojinta xiriirka kawada dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka kala hadlay in deeqaha cusub ee Midowga Yurub Soomaaliya ugu talagalay Puntland saamigeeda la siiyo , maadama ay Puntland si habsami leh uga soconayaan mashaariicyo horumarineed oo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso ayaa isna dhankiisa balan qaaday in Midowga Yurub ka go’antahay in Puntland oo ah dhul nabad ah ay ka fulinayaan mashaariicyo horumarineed oo horleh .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn Midowga Yurub uga mahadceliyey is garab taagii shirkii Wadatashiga ee Gaalkacyo ka qabsoomay.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: