HomeUncategorized

Degmada Burtinle oo Hogaan Cusub Yeelatay

Axad, Oktoobar 04, 2015 (Daljir) —Wararka aan ka helayno doorashada gollaha deegaanka degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in wajigii hore ee cod bixinta lagu kala baxay ka dib markii murashax Maxamed Maxamuud Buurdibi uu helay codad gaaraya ilaa 14 cod.

Dalal Afrikaan ah oo ku dhawaaqay in ay si deg deg ah ciidammo ugu soo dirayaan Somaliya. [Akhris …]
Ciidamo ka wada tirsan Khaatumo oo maanta ku dagaalamay tuulada God-qaboobe ee Sool (Dhegeyso)
Ciid Mubaarak – Caalamka Islaamka oo maanta laga xusayo munaasabada Ciid al adhxa; Warar ku saabsan sidii looga ciiday gobollada Somaliya.

Axad, Oktoobar 04, 2015 (Daljir) —Wararka aan ka helayno doorashada gollaha deegaanka degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in wajigii hore ee cod bixinta lagu kala baxay ka dib markii murashax Maxamed Maxamuud Buurdibi uu helay codad gaaraya ilaa 14 cod.

Sida uu ksuoo waramayo wariyaha Daljir u jooga doorashada Burtinle, Buurdibi ayaa ku guulaystay gudoomiyaha gollaha Deegaanka Burtinle, waxaana sidasi ku dhawaaqay guddiga doorashada, waxaa hada la gudo galay doorashada ku xigeenka oo labo murashax isku soo taageen.

Tirada Xildhibaanada ayaa dhan 23-mudane, waxayna hadda u codeynayaan labada murashax ee u taagan ku xigeenka duqa Burtinle.

Duqa cusub ee Burtinle Maxamed Buurdibi oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka cusub ee loo doortay, wuxuna xildhibaanada ka codsaday iyo shacabka inay si wanaagsna ula shaqeeyaan, si loogu guulaysto howlaha horyaala mamulka cusub ee degmada.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: