HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo uga qayb-galay xaflad ay ku Qalin-jabinayeen arday ka baxday Jaamacadda Bariga Africa

Sabti, September 19, 2015 (Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeyb-galay xafladd ay ku qalin-jebinayeen arday wax kabaratay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda magaalada Gaalkacyo , waxaana ay ka koobnaayen ardaydaasi todobo, qeybood oo tiradoodu dhantahay 120-arday oo isugu jira rag iyo dumar.

Wasaaradda shaqada & shaqaalaha Puntland oo soo bandhigtay waxqabadkeeda & himilooyinkeeda.
Madaxwayne Faroole oo jeediyay khudbad muhiim ah balse aanan taaban qaddiyado muhiim ah oo laga filayay.
Wafdigii shalay gaaray Kismaayo oo maalintii labaad kulamo la leh waxgaradka deegaanka.

Sabti, September 19, 2015 (Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ka qeyb-galay xafladd ay ku qalin-jebinayeen arday wax kabaratay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda magaalada Gaalkacyo , waxaana ay ka koobnaayen ardaydaasi  todobo,  qeybood oo tiradoodu dhantahay 120-arday oo isugu jira rag iyo dumar.

Munaasibadda waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, Maamulka Gobalka Mudug, Maamulka jaamacadda Bariga Afrika, Waxgarad, waalidiin, aqoonyahano, masuuliyiin kala duwan ,ardeyda Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardeyda ka qalin-jebisay Jaamacadda Barika Afrika oo uu sheegay inuu kala qeyb qaadanayo farxadooda iyo guusha ay gaareen maanta, waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan dedaalka waxbarsho ee ay wadaan si ay dalka iyo dadkaba ugaga faa\’iideeyaan waxa ay barteen.

\’ Runtii waxaa farxad ii ah inaan ka soo qeyb-galo xafladd ah qelin-jebin isuguna jirta farxad iyo dhamaystir waxbarashada qeybteed, marka maalintaan taariikhiga ah ee nololshiina maalmaha ugu wanaagsan kamid ah inaan idinkala soo qeyb-galno aad iyo aad baan ugu faraxsanahay \’\’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ardayda qalin-jabisay maanta ay u badan yihiin arday shaqeysa, ardayda kale ee aan iyana haysan shaqada ayuu Madaxweynuhu u rajeeyey inay helaan shaqooyin wanaagsan si ay uga mira dhaliyaan waxbarashadooda.

Ardayda qalinjebisay ayuu Madaxweynuhu ku booriyey inaysa dalkooda ka tahriibin, waxana uu ku dhiirigeliyey inay dalkooda iimaansadaan ugana faa\’iideeyaan dadkooda iyo dalkooda aqoonta ay barteen.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan gudoonsiiyey dhammaan ardayda qalinjabisay.

 

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: