HomeUncategorized

Qaramada Midoobay oo u Digtay dowladd Hungary

Khamiis, September 17, 2015 (Daljir) — Xoghayah guud ee Qaramada Midoobey Mr Bank Moon ayaa sheegay inuu layaabay qaabka ay ciidamada booliska ee wadanka Hungary ula dhaqmeen boqolaal qaxooti Siiriyaan ah oo kasoo gudbey xuduudka ay Hungary lawadaagto wadanka Serbia.

Diyaarado xalay duqeeyey deegaan xeebeedka Gumbax, gobolka Bari laba qof oo la xaqiijiyay inay dhaawacmeen.
Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday oo dalacsiiyey saraakiil ciidan.
“Rajada Soomaaliya waxay ku xiran tahay, Allihii na uuntay ka sakoow, Soomaali waxay fiirsaneysaa oo ka war dhawreysaa R/wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas? xil. Seeko.

Khamiis, September 17, 2015 (Daljir) — Xoghayah guud ee Qaramada Midoobey Mr Bank Moon ayaa sheegay inuu layaabay qaabka ay ciidamada booliska ee wadanka Hungary ula dhaqmeen boqolaal qaxooti Siiriyaan ah oo kasoo gudbey xuduudka ay Hungary lawadaagto wadanka Serbia.

Bank Moon ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin tallaabada ay booliska iyo ciidamada ammaanka ee Hungary tuubooyinka biyaha xoogan Sayriya iyo Gaaska dadka ka Ilmaysiiya ugu adeegsadeen dadka muhaajiriinta ah ee Isusoo baxay.

Mar lawaydiiyey Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha Kadhexaysa Iskudhacyadii Maalinimadii Arbacadii kadhacay xuduudka Serbia iyo Hungary Ayuu yiri,” qaabkii ay booliska Hungary ula dhamqeen dadka muhaajiriinta ah waa mid aan la aqbalikarin”.

By: Abdirashid

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: