RW ku xigeenka DFS oo Fariin u diray Wasiirka Tamarta

HomeUncategorized

RW ku xigeenka DFS oo Fariin u diray Wasiirka Tamarta

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta faray wasiirka cusub ee wasaaradda Tam

Barlamaanka Somaliya oo ka hor-yimid in Amniga Muqdisho loo Gacan Galiyo M.Gobolka Banaadir
Duqa magaalada Bossaso oo ganacsatada waratada ah ugu baaqay in ay baneeyaan mid ka mid ah wadooyinka magaalada Bossaso.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Cumar Laki Man.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta faray wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, dardar-gelinta qorshayaasha wasaaradda si loogu guulaysto hadafyada waawayn ee dawladdu ka leedahay horumarinta dalka.

Mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar) ayaa cadeeyay in biyuhu ay yihiin furaha waraabka, daaqsinta, dhismaha iyo qurxinta dalka, ayna muhiim u tahay in si wanaagsan loo maamulo biyaha dalka, si looga faa’iidaysto, waxaa kale oo intaa uu raaciyay in tamartuna ay halbowle u tahay dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxa uu maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Tamarta iyo biyaha Fowziyo Maxamed Sheekh, iyo ku-simihii wasaaradda, ahna wasiir ku-xigeen, Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0