Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo ka hadlay xiliga la qabanayo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo ka hadlay xiliga la qabanayo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Ba

Ciidamada DDSI oo fashiliyay qaraxyo laga fulinlahaa Jigjiga (dhegayso)
Laamaha Amaanka Baydhabo iyo Odayaasha oo Kulan kuyeeshay baydhabo
Maamulka Hiirshabeele oo war ka soo saaray fataahada wabiga shabeele

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo degaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo,iyadoo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April waxayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka

Labadan kursi ayaa waxaa baneeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed “ Lafta gareen” iyo Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ Kornel Ruush”.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: