Wacaal Darey ah: Duqeyan ka dhacday gobolka Bari oo lagu dilay Sarkaal Daacish ka tirsan

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Duqeyan ka dhacday gobolka Bari oo lagu dilay Sarkaal Daacish ka tirsan

Diyaaradaha dagaalka ayaa duqayn kagaystay maanta inta udhaxaysa deegaanada Xumbays iyo Xiriiro ee Puntland . Duqaynta ayaa la sheegay in lala beeg

Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Baarlamaanka Soomaaliya oo diyaarinaya Mooshin ka dhan ah ciidamada kenya

Diyaaradaha dagaalka ayaa duqayn kagaystay maanta inta udhaxaysa deegaanada Xumbays iyo Xiriiro ee Puntland .

Duqaynta ayaa la sheegay in lala beegsaday xubno katirsanaa Ururka Daacish oo uu kujiray sarkaalkii hogaaminayay kooxdaasi Argagixisada ahayd.

Gaarigii ay wateen kooxdan ayaa gabi ahaantiisba burburay,waxayna dadka deegaanka goobta ay ka soo qaadeen laba qor oo ka haray hubkii ay wateen.

Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ayaa mudooyinkii udambeeyay ku dagaalamayay buuralayda Galgala ee gobolka bari.

Dowladda Puntland ilaa iyo haatan wax war ah kama ay san soo saarin duqayntan, lamana oga ilaa iyo haatan cida fulisay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: