Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda oo dil ka geeystay Muqdisho

HomeWararka

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda oo dil ka geeystay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidanka Booliska ayaa saaka Isgoyska Howlwadaag ku dilay darawal mooto bajaaj ah, iyadoo dhaawacay qof kale oo mootada la saarnaa.

Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka oo beeniyey warbixintii lagu daabacay wargayska Alwaddan (Daawo)
Warka Caweysin iyo Xaawo Axmed Maxamed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Daljir & BBCMA: BARAARUGA Haweenka Taxanaha 58aad | (daawo)

Askari ka tirsan ciidanka Booliska ayaa saaka Isgoyska Howlwadaag ku dilay darawal mooto bajaaj ah, iyadoo dhaawacay qof kale oo mootada la saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dilkan uu ka dhashay muran askariga iyo wiilka darawalka mooyo bajaajka dhex maray, iyadoo wadada xirneyd.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu rasaas bareer ah ku riday wiilka darawalka waday mootada bajaajka.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii wiil dhalinyaro ah oo mooto bajaaj wadayay lagu dilay Xaafada Buundooyinka, waxaana dilkaas ka dhashay banaan bax rabshado watay oo ay sameeeyeen dhalinyarada mooto bajaajka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska ayaa xilligaas dhalinyaradii dibad baxa dhigayay u balan qaaday in cadaaladda la marsiin doono askariga falka dilka geystay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: