HomeUncategorized

Madaxweynaha Puntland oo Khudbad Qiima badan ka jeediyay Xafladii Caleema Saarka M,Jubbaland

Axad, September 13, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta Dawlad Goboleedka Jubbaland kaga qeyb-galay xaflad balaaran oo lagu caleemasaarayay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland ee afarta sanno ee soo socota.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Jimce_12
Baahin: Isniin, Aug 01, Weriye Cabdi X. Awoowe ~ Daljir ~ Garowe. Munaasabado lagu xusayo 1-da Ogoosto oo ka dhacay gobollada Puntland; Qurbajoogta Puntland oo xusay munaasabada 1-da Ogoosto; Ciidanka bilayska ee dawlada federaalka ah oo sheegay in ay qabteen dad lagu tuhmay dilka xil. Khaliif Warfaa.
Dugsiyada Imaamu Nawawi Garoowe iyo Gambool oo u tartamay kaalinta sadexaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin

Axad, September 13, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta Dawlad Goboleedka Jubbaland kaga qeyb-galay xaflad balaaran oo lagu caleemasaarayay Madaxweynaha  cusub ee Jubbaland ee  afarta sanno ee soo socota.

Xafladda ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud , Raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali iyo Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ahe Soomaaliya, Wakiillo  ka kala socdey dalalka Soomaaliya Deriska la ah sida Kenya, Ethiopia iyo DJabuuti, Urur Goboleedka Igad, Isimo, wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , iyo Masuuliyiinkale oo kakala socdey qaramada midoobey iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dawlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan Waxaana uu ilaahay uga baryey inuu ku guuleeyo hawlaha adage e horyaal maadaama uu hoggaan u yahay Dawlad curdin ah, waxaana u kula dardaarmay inuu u caddaalad sameeyo shacabka uu hoggaanka u qabtay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa sidookale kasheekeyey  khayraadka Dabiiciga ah ee ilaahay kumannaystay Jubbaland  waxaanu carrabaabay  inay tahay meel  soomaali oodhan kaafiyi karta oo ay wax walba oo kale uga kaaftoomi karaan haddii laga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay hibada usiiyey Deegaanka Jubba-Land.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa uu tilmaamay  Muhiimadda Nidaamka federaalka ahe Soomaaliya haddii sida wanaagsan looga faa’iidaysto sidookalena Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu sheegay Dawladda Puntland inay Hiil iyo hooba lagarab taagantahay Dawlad Goboleedka Jubba-Land iyo Maamulada kale ee dalka ee si Sharciga ah lagusoo dhiso.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: