Maraykanka oo ka hadlay duqayn ay ka fuliyeen Jubbadda Dhexe

HomeWararka

Maraykanka oo ka hadlay duqayn ay ka fuliyeen Jubbadda Dhexe

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 9-kii bishan Koonfurta So

Muxuu waxtar ama liidasho reebay Baarlamaanka Puntland ee xasaanaddu ka dhammaanayso (warbixinta 2aad)? (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Dhuusamareeb Soo Gaaray

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 9-kii bishan Koonfurta Soomaaliya, waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Soomaalida oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay bartilmaameedsadeen degmada Jilib ee gobolka Dhexe.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka, islamarkaana lagu dilay xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: