HomeUncategorized

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland oo la kulmay Qaar kamid ah Xoolo Dhaqatada Gobolka Sanaag

Arbaco, September 09, 2015 (Daljir) — Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, saraakiil caafimaad iyo dhaqaatiir xoolaha ah ayaa kormeer kutegey gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Ciidamada Kenya iyo kuwa dawladda Federaalka oo qabsaday degmada Buur-gaabo ee gobolka J/hoose.
Tacsi:-Waxgaradka iyo aqoonyahanka Beesha Cismaan Maxamuud ee Minisota oo tacsi ka diray geerida Eng:Caydaruus Cismaan Yuusuf (Keenadiid)
Nabadoon Nuur Xirsi Xuseen oo u dhintay dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday.

Arbaco, September 09, 2015 (Daljir) — Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, saraakiil caafimaad iyo dhaqaatiir xoolaha ah ayaa kormeer kutegey gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Waftigaan heerka sare ah ee uu hogaaminayo wasiirka xanaanada xoolaha ayaa waxa ay safarkooda kasoo bilaabeen magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ilaa magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag, waxaana ay kulamo laqaateen madaxda gobolada degmooyinka qaybaha bulshada iyo dadka reer guuraaga ah intaba.

Ujeedka safarka wasiirka ayaa waxa uu u kuurgalka guud ee xoolaha goboladaasi ka sokow wuxuu salka kuhayaa sidii ay ugu kuurg geli lahaayeen sida uu u socdo tallaalka kahortaga cudurada Furuqa iyo Jadeecada Xoolaha Puntland oo meel wanaagsan maraya xilligaan.

Waftigaan ayaa marka uu soo dhammaado safarkooda gobolada Sanaag iyo Haylaan waxa ay booqan doonaan gobolada Karkaar iyo Bari oo kamid ah kuwa ugu xoolaha badan Puntland, waxaana ay ugu dambayn kusoo laaban doonaan xarunta dalka ee Garoowe.

By:Abdirashiid

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: