Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya

HomeWararka

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay danjiraha dalka Jarmalka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa wafdi ka socda dowlada Jarmalka oo ay hogaaminaysay safiirka w

Maxaa keenay in ardayda Puntland shahaadooyinka loo diido?( dhegayso)
Sheekh Cali Dheere iyo Covid 19 (daawo)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kormeer sameyeey

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa wafdi ka socda dowlada Jarmalka oo ay hogaaminaysay safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Somaliya Ambassador Annett Günther.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada magaalada Hargeysa ayaa arrimihii loogaga hadlay waxaa ka mid kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Somaliland sida waddooyinka iyo Biyaha.

Qodobada kale ee labada dhinac ku soo qaadeen kulankooda ayaa waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka, dimuqraaddiyadda, xoojinta xiriirka Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo kalluumaysiga.

Booqashada ay safiirka dalka Jaramalka ku tagtay magaalada Hargeysa ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii ay booqasho ku tagtay magaalada Garowe ee maamul goboleedka Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: