HomeUncategorized

Shiinaha oo Maanta u Dabaal-degay Guushii ay ka gaareen dagaalkii labaad ee Adduunka

Khamiis, September 03, 2015 (Daljir) — Dalka Shiinaha ayaa u Dabaal-dagaya Maanta 70-guuradii kasoo Wareegatay markii uu ka Adkaaday Jabaan Dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana xaflada lagu soo bandhigay dhoollatus milateri ay ka dhacday fagaaraha Tianmen ee Magaalada Beijing.

Weriyaha VOA-da ee Galkacyo oo la xiray & suxufiyiinta gobolka oo shir ka yeeshay xarigiisa.
Gudigii Ra?iisul W. Gaas U Magacaabay Masiibooyinkii Ka Dhacay Baladweyn Oo Maanta Shir Muhiim Ah La Yeeshay Hay?adaha Samafalka
Sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugidda Puntland oo caawa lagu dilay Garoowe.

Khamiis, September 03, 2015 (Daljir) — Dalka Shiinaha ayaa u Dabaal-dagaya Maanta 70-guuradii kasoo Wareegatay markii uu ka Adkaaday Jabaan Dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana xaflada lagu soo bandhigay dhoollatus milateri ay ka dhacday fagaaraha Tianmen ee Magaalada Beijing.

Ciidammo tiradoodu gaarayso 12,000 oo askari iyo 200 oo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa ka Qayb-galaya dabaal-degga, iyadoo munaasabaddana ay ku sugan yihiin madax ka socota Waddamada caalamka Qaarkood.

Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping ayaa Munaasabadda ka sheegay in Shacabkiisu ay dagaal adag soo galeen, ayna ka guuleysteen Jabbaan xilligii uu socday dagaalkii labaad ee Adduunka sannadihii Afartameeyadii.

Sidoo kale, Xi Jinping ayaa sidoo kale xusay inuu dhimi doono illaa 300,000 oo Ciidamada Shiinaha ka mid ah, inkastoo aanu sheegin Waqtiga la dhimi doono ciidamadaas.

Munaasabadda ayaa waxaa Goobjoog ka ah Madaxweynayaal iyo Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalalka Ruushka, Koofur Kuuriya iyo xubno kale oo ka socda Waddamada Qaaradda Afrika.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: