HomeUncategorized

Iskuulada Waxbarasho ee Kenya oo Maanta Dib loo Furay

Talaado, September 01, 2015 (Daljir) — Guud ahaan dalka Kenya ayaa maanta waxaa dib uga furmay xilli waxbarashadeedaka dugsiyeedka saddexaad ee Sannadka 2015-ka, iyadoo ardayda iyo waalidiintoodba ay walaac xoogan ka muujiyeen muranka u dhaxeeyo dowlada iyo Macalimiinta ee ku aadan Mushaar kordhinta Barayaasha.

Galgaduud: Ahlu Sunna Waljameeca oo eedayn ujeediyey Dawlada Federalka ( Dhegayso ).
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Jamaal Faarax
Xarunta GECPD oo tababar u soo xirtay 20 dhallinyaro ah oo muddo 6 bilood ah baranayey farsamada gacanta.

Talaado, September 01, 2015 (Daljir) — Guud ahaan dalka Kenya ayaa maanta waxaa dib uga furmay xilli waxbarashadeedaka dugsiyeedka saddexaad ee Sannadka 2015-ka, iyadoo ardayda iyo waalidiintoodba ay walaac xoogan ka muujiyeen muranka u dhaxeeyo dowlada iyo Macalimiinta ee ku aadan Mushaar kordhinta Barayaasha.

Murankan oo ah mid muda dheer soo jiitamaayay, ayaa wuxuu ku saabsan yahay Mushaar kordhin ay Macalimiintu dalbadeen, halka dowlada Kenyana ay diidan tahay dalabka macallimiinta.

Xarumaha Waxbarashada Kenya iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ayaa dhamaantood dib albaabada loogu furo, waxaana muuqato in muranka u dhaxeeyo barayaasha & dowlada uu hada gaaray heerkii ugu xumaa maadaama Xukuumadda Kenya ay sheegtay in aysan bixinayn lacagaha ay dalbadeen macallimiinta oo iyagana ku hanjabay in aynan sii wadi doonin waxbarashada.

Qoraalka lagu sheegay arrintaas, ayaa sidoo kale dowladu waxey tilmaamtay in aynan haynin oo miisaaniyada sanadka aynan ku jirin mushaarka badan ee macalimiintu ay dalbanayaan.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0