HomeUncategorized

(Dhagayso) Duqa Laascaanood oo cabasho wayn ka muujiyay adeegyada aasaasiga u ah nolasha bulshada gobolka Sool

Garowe, August, 18 - Duqa degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Cabdalle Xaaji Warsame oo la hadlay Idaacadda Daljir ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi, waxana uu sheegay mudadi uu ku magacownaa masuuliyada degmada in uu wax badan ka qabtay horumarinta iyo nabadaynta bulshada ku dhaqan degmada iyo deegaanada kale ee hoosyimada.

Baahin: Axad, Feb 19, Jaamac Cabdiraxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. Matt Baugh, safiirka Britain ee Somaliya oo tafaasiil ka bixiyey ajandaha shirka London; Wafti ka socda Norway oo kulamo kula yeeshay Muqdisho madaxda dawlada federaalka; Rugta ganacsiga Puntland oo wada olole agab dhaqaale loogu ururinayo dadkii ku cayroobay dabkii suuqa Bossaso.
Guddiga beelaha Bari iyo sanaag oo taageeray guddiga xalinta ee musharixiinta keeneen (Dhegeyso)
Madaxweyne Xassan sheikh oo ku baaqay in shirka Jubbaland iyo federaalka lagu dhameeyo dalka
Tukaraq, August, 18 – Duqa degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Cabdalle Xaaji Warsame oo la hadlay Idaacadda Daljir ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi, waxana uu sheegay mudadi uu ku magacownaa masuuliyada degmada in uu wax badan ka qabtay horumarinta iyo nabadaynta bulshada ku dhaqan degmada iyo deegaanada kale ee hoosyimada.
 
Duqa oo haatan fadhigiisu yahay degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa tilmaamay in adeegyada bulshada deegaanadaasi aad u hoosayso, sida Caafimaadka, Biyaha iyo waxbarashada, balse waxaa uu xusay in maamulkooda cusbi ku dadaalayaan sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen horumarinta adeegyada bulshada.
 
Halkaan hoose ka dhagayso waraysigii uu Radio Daljir siiyay Duqa degmada Laascaanood ee Puntland Cabdulle Xaaji Warsame

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: