Dhul-gariir  xalay ku dhuftay qaybo kamid ah kenya

HomeWararka

Dhul-gariir xalay ku dhuftay qaybo kamid ah kenya

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay fiidkii laga dareemay qaar kamid ah magaalooyinka dalka Kenya oo ay ku jirto caasimada Nairobi d

Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo u Magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen
Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay dilkii shacabka ee koonfurta Gaalkacyo (sawiro)
Warka DDM iyo Wariye Iqro Aragsan (Daawo)

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay fiidkii laga dareemay qaar kamid ah magaalooyinka dalka Kenya oo ay ku jirto caasimada Nairobi dhul-gariir.

Deegaanada kale ee laga dareemay dhul-gariirkan oo ahaa mid aan xoog badneyn ayaa waxaa ka mid ah Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu.

Dhul-gariirka ayaa la dareemay qiyaastii toddobadii fiidnimo ee xalay isagoo ilbiriqsiyo uun socday balse waxaan laga dareemin degmooyin ka mid ah magaalada Nairobi.

Sida laga soo xigtey hay’ada xisaabta culeyska dhulgariirada ayaa ku sheegtay inuu dhul gariirku gaarayay 4.8.

Sidoo kale dhul gariir laga dareemay dalka Spain isla xilligii uu ku dhuftay dalka Kenya.
Dalxiisayaal ku sugan magaalooyinka xeebaha dalka Kenya sida Mombasa, Kilifi, Malindi, Lamu iyo Diani ayaa loo sheegay inay tagaan meelaha taaga ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax qasaare ah oo ka dhashay dhulgariirka caawa laga dareemay magaalooyin ka mid ah dalka Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: