Saraakil shabaab ka tirsan oo gacanta lagu dhigay

HomeWararka

Saraakil shabaab ka tirsan oo gacanta lagu dhigay

Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa Amniyaatka Al-Shabaab. Sidda ay she

Warka Caweysin iyo Saynab Cabdinuur Daljir Bosaaso (dhegayso)
Madaxweyne Saciid Deni: ”Dalkaan Hal Ciidan ayuu Yeelanayaa, Ciidamo Rag Leeyahay Ma Yeelanayo.” (daawo)
Muqdisho: Guddiga Amniga Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Sarkaal ka tirsanaa Amniyaatka Al-Shabaab.

Sidda ay sheegeen Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ninkaan ayaa Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho.

Ninkaan ayaa ku danbeeyay abaabulka iyo hugaaminta Dilal badan oo loo gaystay Dad waxtar leh bulshadda Soomaaliyeed sidda ay sheegtay Warbaahinta dowladda.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Hay’addaha Ammaanka ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: