HomeUncategorized

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Dhalinyarada G. Mudug kula Dar-daarmay in ay Tahriibta ka waantoobaan

Axad, Ogoosto 16, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xarunta Waxbarashada iyo horumarinta Nabadda GECPD ee Gobalka Mudug kaga qeyb-galay gebagebada tartan ciyaareed loogu talagalay is dhexgalka iyo horumarinta dhalinyarada Gobalka Mudug.

Maamulka Gobolka Mudug oo Dhaliilay WFP
Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Bosaaso oo Maanta la Doortay
Baahin: Arbaca, Nov 16, Weriye Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Mudanayasha baarlamaanka Puntland oo ka dooday sharciga kalluumaysiga badda; Arday hore loogu diray tacliin sare dalka Turkiga oo dib loogu soo celiyey Somaliya; Shir lagu gorfeeyey hirgleinta mashruuca dhismaha wadooyinka Bossaso oo u furmay madaxda gobolka, ganacsatada, Issimada & ururada rayadka ah.

Axad, Ogoosto 16, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xarunta Waxbarashada iyo horumarinta Nabadda GECPD ee Gobalka Mudug kaga qeyb-galay gebagebada tartan ciyaareed loogu talagalay is dhexgalka iyo horumarinta dhalinyarada Gobalka Mudug. 

Xafladda xiritaanka ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiiro, saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland , masuuliyiin iyo boqolaal dadweyne ah oo isugu jira rag iyo dumar .

Tartan ciyaareedkaan oo muddo socday ayaa ciyaartii kama dambeysta aheyd waxaa galabta ciyaaray laba kooxood oo ukala dheelayey Puntland School iyo Bardacad School, waxaana natiijo gool ku laad ah ku badiyey kooxdii Puntland School.

Madaxweyne Gaas ayaa ku amaanay waxqabadka muuqda ee xarunta GECPD ay ka wado Gobalka Mudug, isla markaana lagu horumarinayo cayaaraha dhalinyarada iyo isdhexgalka bulshada ku nool Gobalka.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha ayaa abaalmarino iyo koobab gudoonsiiyey labada kooxood oo ciyaar xiiso laheyd soo bandhigay, waxaana uu kula dardaarmay inay ka waantoobaan tahriibta iyo wixii lamid ah , una soo jeestaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: