Xilliga uu furmayo Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka oo la shaaciyay

HomeWararka

Xilliga uu furmayo Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddiyada Joogatada ee golaha Shacabka ayaa maanta shaaciyay xilliga uu si rasmi ah u furmayo Kalfadhiga 5aad ee baarlamaanka Soomaaliya. Kulankood

DFS oo sheegtay in sabtida Daljirka daahson uu ka dhici doono Banaanbax
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

Guddiyada Joogatada ee golaha Shacabka ayaa maanta shaaciyay xilliga uu si rasmi ah u furmayo Kalfadhiga 5aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankooda oo ka dhacay Villa Hargeysa waxaa shir guddoominayay Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo la isla qaatay in 27-ka bishan oo Arbacada soo socota ku beegan uu furmo kulamadii baarlamaanka.

Sidoo kale kulanka waxaa miiska la soo saaray Ajendayaasha ugu horeeyay ee ay tahay in la horgeeyo kulamada baarlamaanka marka todobaadka danbe uu dib u furmo.

10-kii bishan ayey eheyd inuu furmo kulamada baarlamaanka, balse waxa ay u baaqdeen khilaafka u dhexeeya labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana wali taagan cabashada Aqalka Sare oo aan wali xal laga gaarin.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudada Saddexda bil ee fasaxa ku maqnaayeen waxaa dhacay arrimo waaweyn oo ku saabsan Siyaasada, ammaanka iyo dhaqaalaha, waxaana haatan ugu daran cabashada Ciidamada ee soo baneeyay difaacyadoodii qaar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: