Ciidamo kenyaan ah oo isaga baxay gobalka Gedo degmooyin ka tirsan

HomeWararka

Ciidamo kenyaan ah oo isaga baxay gobalka Gedo degmooyin ka tirsan

Ciidamada Kenya ayaa isaga baxay saldhiggii ugu dambeeyay ay ku lahaayeen Gobolka Gedo oo ka mid ahaa goobaha ay ku sugnaayeen Ciidamadooda qeybta ka

Guddiga Fulinta XDS ee Dowlad Deegaanka (DDS) oo ansixiyey ku biirista Xisbiga EPP ee Abiy Axmed
Madaxweynaha DFS oo oo khadka Taleefanka kula xiriiray Raiisul Wasaaraha Suudaan maxay kawada hadleen?
Maanka Dadweynaha iyo Magrafoonka Daljir iyo Maxamuud Fantastic (DHEGAYSO)

Ciidamada Kenya ayaa isaga baxay saldhiggii ugu dambeeyay ay ku lahaayeen Gobolka Gedo oo ka mid ahaa goobaha ay ku sugnaayeen Ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay ka baxeen deegaanka Busaar oo ka mid ahaa deegaanadii ay qabsadeen sanadkii 2012.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay u baxeen dhanka degmada Ceelwaaq ee dhacda dhanka Xadka.

Maamulkii ka jiray deegaanka Busaar ayaa gaaray degmada Ceelwaaq, maadaama laga soo xigtay in aanay heysan ciidamo ku filan oo ay ku difaacaan deegaanka.

Al-Shabaab ayaa qoraalo ay barahooda Internet-ka ku soo qoreen ku sheegay inay la wareegeen deegaanka Busaar, isla markaana la wareegeen agabyo ay Ciidanka Kenya kaga tageen saldhigga

Deegaanka Buusaar oo qiyaastii 40 KM dhanka Bari uga toosan degmada Ceelwaaq ayaa ah meel muhiim ah oo isku xira dhamaan degmooyinka Gedo, waxaana sidoo kale marin muhiim ah u tahay gobolada Jubooyinka.

Buusaar ayaa noqoneysa Saldhiggii u danbeeyay ee Ciidanka Kenya ay baneeyaan, iyagoo hore u baneeyay Saldhigyadoodii Faxfaxdhuun, Ceel Cade iyo Baardheere.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: