Alshabaab oo la wareegay degaanka Balcad

HomeWararka

Alshabaab oo la wareegay degaanka Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow degmadaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirs

Ciidamada Itoobiya oo toogasho ku dilay wiil ciyaartoy ah oo ka soojeeda degmada Bambaase ee DDS (dhegayso)
Baarlamaanka Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya oo ka furmay Baydhabo (sawiro)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow degmadaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio daljir in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen,isla markaana uu dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay inta badan la wareegeen degmada,isla markaana ciidamada Dowladda isaga baxeen,waxana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Saldhiga degmada Balcad kasii daayeen Maxaabiis farabadan oo ku xirneyd.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: