HomeUncategorized

Tahriibayaal ay Somali ku jiraan oo Badda Miditereniyaanka ku Qaraqmay

Khamiis, Ogoosto 06, 2015 (Daljir) — Saraakiisha Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa shaacisay in la la’ yahay boqolaal Muhaajiriin dooni ka soo raacay Xeebaha Libya, kuna sii jeeday XeebahaTalyaaniga.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida Xarunta Garoowe 12 07 2016.
Cali Xaaji ?guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Puntland waa in la isla magcaabaa.? (Dhegeyso)
?Kalfadhigii golaha wakiilada Puntland oo maanta la soo gabagabeeyey.

Khamiis, Ogoosto 06, 2015 (Daljir) — Saraakiisha Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR)  ayaa shaacisay in la la’ yahay boqolaal Muhaajiriin dooni ka soo raacay Xeebaha Libya, kuna sii jeeday XeebahaTalyaaniga.

Hadal ka soo baxay Hay’adda UNHCR  ayaa lagu xusay  inay dadkaasi ku geeriyoodeen dooni nooca kalluumeysiga oo ay lasocdeen oo ku qalibantay meel ka baxsan xeebaha dalka Libya.

Twitterka Hay’adda UNHCR waaxaa kaloo lagu sheegay in la badbaadiyey 399 qof oo ka mid ah Tahriibayaashii la socday doonidaasi oo tiradooda dhamayd 600 oo qof.

Saxafi lagu magacaabo Karl Stagno Navara ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera inay boqolaalka Tahriibayaasha geeriyoodeen, kadib, markii ay Qaxootiga hal dhinac u soo bateen, si ay gurmad uga helaan Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Ireland oo ku soo dhawaaday doonida qalibantay, laguna le’day.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: