HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo wafdi ka socday QM ku Qaabilay Madaxtooyada Garowe

Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-8-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Caawa iyo Daljir -Khamiis,Feb 14-2013, Khadar Cawl Ismaaciil ( Daljir Buuhoodle )
Hawlgallo amni adkayn ah oo ka socda Bossaso iyo Garowe & dilka Garyaqaan Awaare oo dad loo qabtay.
Puntland iyo Banaadir oo galabta ku balansan koobka maamulada.

Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-8-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Kullan gaar ah oo ay wada qaateen ayaa waxaa ay uga hadleen arrimaha Soomaaliya , howlaha muhiimka ah ee Qaramada midoobay ka wado gudaha Puntland iyo sidookale arrimaha dimuqraadiyada sidii looga wada shaqeyn lahaa , maadama Puntland ay qaaday dhabadii dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan.

Kadib markii uu soo dhammaday shirkaasi ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan ula hadlay Madaxweynaha iyo ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq , waxaana ay sheegen in kullankii ay wada qaateen uu ku soo idlaaday guul iyo is afgarad.

\’\’ Waxaan sidookale ka wada hadalnay taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland , hanoqoto xagga bini\’aadanimada , arrimaha nabad-gelyada iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa dawladdnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadda \’\’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Peter de Clercq ayaa dhankiisa Puntland ku amaanay horumarka baaxadda leh ee ay gaartay, waxaana uu ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoona tilmaamay in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageerada dhinackasta ah ee ay siiso Soomaaliya .

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa qado sharaf hoygiisa kula qaatay Peter de Clercq iyo wefdigii balaarnaa ee uu hogaaminayey .

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: