HomeUncategorized

Dhegeyso: Isimada Puntland oo soo dhowayey Ansixinta Dastuurka maamulka Jubbaland

Isniin, Ogoosto 03, 2015 (Daljir) — Afayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo Daljir la hadlay ayaa maamulka Jubbaland ugu hambalayey ansixinta Dastuurka maamulkaasi oo maalmo ka hor lagu meel-mariyey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi.

Puntland oo walaac ka qabta buundo muhiim u ahayd ganacsiga Boosaso iyo gobollada kale oo go?day
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Axmed Nadiif.
Final Communiqu? International Contact Group on Somalia
Isniin, Ogoosto 03, 2015 (Daljir) — Afayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo Daljir la hadlay ayaa maamulka Jubbaland ugu hambalayey ansixinta Dastuurka maamulkaasi oo maalmo ka hor lagu meel-mariyey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi.
 
Garaadka ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan Anisixnta Dastuurka islamakana maamulka Jubbaland ee haatan talada hayah uga mahad-celinayana dadaalka uu u galay dhaamaystirka shuruucda maamulka, waxaana uu shacabka Jubbaland ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan horumarinta maamulka iyo sidii deegaanada Jubbaland looga xorayn lahaa wax uu ugu yeeray argagixisada.
 
Sidoo kale waxaa uu soo dhowayey Afayeenka Isimada Puntland, doorashada lagu wado inay gudaha bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee lagu dooranayo hogaanka maamulkasi, dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay ku dadaasho xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira gudaha Dalka, islamakana wada xaajood laga sameeyo ismaan-dhaafyada soo kala dhex-galay maamullada Dalka iyo dowladda dhexe.
 
Dhegeyso codka Garaad Cabdulaahi
 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: