HomeUncategorized

Munaasabadda 1-da Agoosto oo si aan loo kala harin looga Xusay Garowe

Axad, Ogoosto 02, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa xalay aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe uga qeyb-galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey sanadguurada 17-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Puntland.

Kalfadhiga 23-aad ee baarlamaanka Puntland oo maanta furmay.
Baahin: Isniin, Sept 19, Weriye Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Wasiirka gaashaandhiga ee Uganda oo booqday fariisimada ciidanka AMISOM ee Muqdisho; Dhakhaatiir & macallimiin ka socda dalka Turkiga oo ku soo wajahan Puntland; Taliyaha ciidanka bilayska ee Puntland oo ka qayb galay shir looga hadlay arrimaha burcad badeeda oo ka dhacay Seychelles.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Aamina Ladan Axmed.

Axad, Ogoosto 02, 2015 (Daljir) —  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa xalay aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe uga qeyb-galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey sanadguurada 17-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Puntland.

Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan, Saraakiil ciidan , Siyaasiyiin, , fanaaniinta kooxda waaberi Puntland , Haween , Dhalinyaro iyo dadweyne kale duwan ayaa ka soo qeyb-galay xafladda oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay , waxaana madasha ay ka socotay xafladda ku qornaa halku dhigyo lagu weynaynayo aasaaskii Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire oo ka hadlay xafladda ayaa dhammaan shacabka Puntland ugu hambalyeeyey xuska sanadguurada 17-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madasha ka soo jeediyey khudbad xiiso leh dhinacyo badana taabanaysay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in Puntland la dhiso ay faa\’iido weyn u aheyd guud ahaan umadda Soomaaliyeed, dadbadana ay u soo qaxeen dhulkaan iyagoona helay deganaansho iyo soo dhaweyn wanaagsan oo aysan ka heli laheyn meelkale.

’Puntland wax badan ayaa u qabsoomay Puntland waxay leedahay Dawladnimo gaamurtay oo cudud dhaqaale iyo sidookale Ciidan ku filan,Puntland waa Dawlada keliya ee sharciyad leh ee ka jirta Soomaaliya’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Dad badan oo reer Puntland waxay qabaan inay Puntland ka tashato Soomaali oo ay isku tashato,laakiin aysan Soomaalinimo waqti ku lumin,laakiin waxaan leeyahay in badan oo ka mid ah Cadowga Soomaaliya sidaas ayay doonayaan,Puntland kaligeed ayaa Soomaaliya noqonaysaa hadaan Soomaalinimada jiritaankeeda laga wada shaqeyn’’Ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynuhu.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: