kenya oo soo bandhigtay xarun lagu tababari jiray Alshabaab

HomeWararka

kenya oo soo bandhigtay xarun lagu tababari jiray Alshabaab

Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka t

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)
Booliska somaaliya oo maanta xeer ilaalinta ugudbiyeey eedeysane Sayid Cali
Miyeey Gudboonyihiin Kuwa Dalkooda Somaaliya Difaacaya iyo Kuwa Danaha Shisheeye ee Imaraadka Difaacaya? (Maqaal)

Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Guriga ay baaritaanka ku sameeyeen Boliiska Kenya ayaa waxaa laga helay , waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feertamo, Sanaaddiiq ay ku jiraan Kitaabbo, qoraallo Diini ah iyo Calamada Madoow ee ay isticmaalaan, Daacish, Al-Shabaab iyo Boko Haram.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Kwale, Tom Odero, ayaa Jariiradda the Star u sheegay in ay goobtan ka mid ahayd meelaha wax lagu baro dhaq-dhaqaaqyada waxa loogu Argagixisada, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah qoraallada lagu turjumay Afka Sawaaxiliga, si ay u aqristaan.

Mr; Odero , ayaa tusaale usoo qaatay mid ka mid ah qoraallada la tarjumay oo ahaa ‘tuko tayari kwa vita’, oo uu macnaheedu yahay ‘diyaar ayaan u nahay dagaal.’ Taas oo u fududeynaysa in ay si sahlan u qaataan Afkaarta Xagjirnimada” ayuu yiri.

Boliiska la dagaallanka Agragixisada Dalka Kenya ayaa sheegay in aysan Cidina ku sugnayn xilligii uu howl-galku dhacayay, balse ay tuhunsan yihiin in ay wax yar un ka hor ka baxeen Guriga Kooxihii halkaa ku sugnaa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: