HomeUncategorized

Xasan Sheekh: Tallaabada baarlamanka Galmudug ee beddelka Qodobka ku saabsan Xadka waa mid Abuureysa jawi is Afgarad’’

Talaado, Luuliyo 28, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland.rn

(DHAGEYSO) Barnaamijka Saaka & Dunida (Xarunta Boosaso)
Col Xasan Maxamed Nuur (Shaat-gaduud) oo ku geeriyoodey dalka Jarmalka.(Dhegayso)
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Maxamuud

Talaado, Luuliyo 28, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland.

Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba beddeley qodobkaasi oo dhigayey in xadka Galmdug uu yahay gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo baahnaa oo abuuraya jawi is afgarad iyo in horumarka iyo nabadda laga wada shaqeeyo.

“Ujeeddada laga leeyahay dhismaha dowlad goboleedyada waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhoweynayaa tallaabo kasta oo ujeedkaasi sidii lagu gaari lahaa dhiirigelinaysa. Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dhexdooda ah, waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, arrimahaas ayaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in nabadda iyo horumarka laga wada shaqeeyo, lagana fogaado colaadaha, khilaafka iyo wax kasta oo shacabka kala fogeyn kara.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: