Wacal daray ah: Qarax gordhow ka dhacay Muqdisho

HomeWararka

Wacal daray ah: Qarax gordhow ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan mag

Al-shabaab oo weraar xoogan xalay ku qaaday Saldhig ciidan
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan magaalada,waxaana qaraxa uu ka dhacay agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako.

Qiic iyo uuro ayaa la arkayay oo cirka isku shareeray, si rasmi ah looma oga khasaaraha qaraxa, waxaana goobta qaraxa ka dhacay ku dhow Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka oo ay ku sugan yihiin Ilaalada Madaxtooyada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: