Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo ka qayb galay Munaasabad lagu taageerayay Shirweynaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

HomeWararka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo ka qayb galay Munaasabad lagu taageerayay Shirweynaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Aqalka Dowlada hoose ee Xamar ayaa lagu qabtay munaasabad lagu taageerayay haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirwaynaha Qaran ee horumarinta haw

Farriinta KOBCINTA DHAQAALAHA Puntland ee Musharrax Madaxweyne Puntland 2019 Injineer Jebiye (dhegayso)
Camey oo ka Qayb Galay Arday Jubbaland ah oo Deeq Waxbarasho ka helay Jaamacada PSU (dhegayso+Sawiro)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Aqalka Dowlada hoose ee Xamar ayaa lagu qabtay munaasabad lagu taageerayay haweenka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirwaynaha Qaran ee horumarinta haweenka Soomaaliyeed oo muqdisho ka dhacay waxaana munaasbadani ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowladda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, qaar kamid ah qurba joogta Soomaaliyeed, Fanaaniin iyo masuuliyiin kale.

Kooxda hobadalada Gobolka Banaadir ayaa madasha ay munaabada ka dhaceysay waxa ay kusoo bandhigeen sugaan ay ku muujinaaya doorka ay haweenka ku lee yihiin horumarinta dalka.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa ku bogaadisay wasaarada haweenka Soomaaliya in ay xoojiso siyaasadaha lagu dhiiragalinayo haweenka.

qaar kamid ah masuuliyiintii ka socday Dowlad Goboleedyada dalka oo munaasabada ka hadlay waxa ay sheegeen, in ay soo dhaweynaayan da’daalka ay dowlada Soomaaliya ku xoojineyso mideynta haweenka Soomaaliyeed iyo in haweenka ay ka tashtaan aaya hooda.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul Insaanka Xukuumada Soomaaliya Deeqa Yaasiin waxa ay ka hadashay ahmiyada shirweynaha Qaran ee horumarinta haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) waxa uu tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay mudan yihiin dhiiragalin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: