Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Shir Guddoomiyey kulan Looga hadlayey ka hortagga Abaaraha Puntland (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Shir Guddoomiyey kulan Looga hadlayey ka hortagga Abaaraha Puntland (Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland.

Gobolka Hiiraan oo wali lacagta dalka laga diidanyahay (dhegayso)
“Waxaanu nahay Soomaali, waxaana u dhimanaynaa midnimada Soomaaliya; Abwaan Jaamac Kediye iyo dadkii kale ee dhintay waxey u dhinteen Soomalinimo”
Muddaharaad ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka Mustafe Cagjar oo ka dhacay Degmada Yucub ee gobolka Doollo

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland.

 

Kulankan uu shir Guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland ahna, guddoomiyaha Guddiga abaaraha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo ka socdey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna iyo guddiga abaaraha oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo ka kooban Wasaaradaha Caafimaadka, Degaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimquraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaa kaloo kulankan qayb ka ahaa Hay’adda Masiibooyinka Dabiiciga ah ee HADMA.

 

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa si qoto dheer loo faaqiday xaaladda abaaraha Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa Abaarta, waxaana warbixin guud laga dhagaystay madaxda Hay’ada Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland, kuwaas oo soo bandhigay Abaarihii dhacay sanadihii danbe iyo saamaynta ay ku yeesheen deegaanada Puntland.

 

Wasiirka Wasaaradda Dekaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriyeye Gama’diid kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftiga hay’adda Boqor Salmaan iyo guddiga Abaaraha.

 

“Muhiimaddisu waxay ahayd in la saaro sidii hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adda Salmaan oo ah mid caalami ah, xogta loogu gudbin lahaa waanuna isla afgaranay inaanu u soo dajino Barnaamijka Puntland ay doonayso inay abaaraha kaga hortagto, tan hadda taagan iyo haddii mid wayn timaado in loo diyaar garoobo”, ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriyeye Gama’diid.

 

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddiga abaaraha Puntland faray inay wafdiga ka socda Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan siiyaan xog dhammaystiran oo ku saabsan arrimaha abaaraha iyo habka ay Puntland u doonayso in looga hortago loona maareeyo abaarta.

Sawiri.

????????????????????????????????????

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: