Kuuriyada Waqooyi oo dib u kicinaysa xarun gantaalaha laga hago oo ay horay u joojisay

HomeWararka

Kuuriyada Waqooyi oo dib u kicinaysa xarun gantaalaha laga hago oo ay horay u joojisay

Sawiro cusub oo satelliteka laga soo qaaday ayaa muujinaya dowladda Kuuriya Waqooyi inay dib u kicinayso warshad gantaalaha laga hago taasi oo ay hora

Mareykanka oo hubka burburiya taangiga u diraya Ukraine
Jubbaland oo hakisay ka qeybgalka Shirarka deyn Cafinta Soomaaliya
Guddiga doorashooyinka dadban oo doortay gudoomiye KMG ah

Sawiro cusub oo satelliteka laga soo qaaday ayaa muujinaya dowladda Kuuriya Waqooyi inay dib u kicinayso warshad gantaalaha laga hago taasi oo ay horay u balanqaaday inay baabi’in doonto, sida laga soo xigtay dadka wax falanqeeya.

Sawiradan oo la qaaday laba maalmood kadib kulankii hogaamiyeyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ee natiijo la’aanta kusoo dhamaaday iyadoo wax heshiis ah laga gaarin joojinta hubka Nuclearka ee Kuuriyada Waqooyi.

Tongchang-ri ayaa la rumaysanyahay inay dowladda Kuuriyada Waqooyi u adeegsato dirista dayaxgacmeedka xambaaraha gantaalada iyo tammarta kalle.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkii lasoo dhaafay joojisay shaqada warshadaasi, iyadoo niyad sami ka qabtay kulamada ay kula jirtay Mareykanka , taasi oo aan ilaa hadda laga gaarin wax guul ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: