Maydka Ilmo todobo bilood jir ah oo laga soo saaray burburkii Maka Al-Makarama

HomeWararka

Maydka Ilmo todobo bilood jir ah oo laga soo saaray burburkii Maka Al-Makarama

Ciidamada ammaanka iyo saraakiisha gurmadka ayaa wali ku howlan ogaashinayaha khasaaraha rasmiga ee weerarkii khasaaraha badan gaystay ee ka dhacay wa

RW Xamse oo xariga ka jaray Xarunta Kaydka Daawada Soomaaliya oo dib loo furay
Masuul katirsan Hir-shabelle oo xaaskiisa ku dilay Jowhar
Doorashadda Puntland 2019 oo Guddi Loo saaray & Xukumadda oo beenisay inay faragalinayso (dhegayso)

Ciidamada ammaanka iyo saraakiisha gurmadka ayaa wali ku howlan ogaashinayaha khasaaraha rasmiga ee weerarkii khasaaraha badan gaystay ee ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama todobaadkii hore, kaasi oo ay ku geeriyoodeen inta la ogyahay dad ka badan sodon qof, dhaawacana uu gaarayo kontomeeyo.

Ilmo yar oo todobo bilood jir ah ayaa la sheegay in laga soo saaray burburka dhismayaasha hoostooda, waxaana wali socda baadi goobka dad kalle.

Kaamiradda CCTV ayaa muujisay kahor qaraxa inuu goobta ku sugnaa ilmo yar oo todobo bilood jir ah, waxaana ay hooyadiisa oo iyaduna geeriyootay ay lahayd goob lagu qurxiyo dumarka oo ku tiilay dhismayaasha weerarka uu kadhacay.

Hooyada ayaa la sheegay inay ilamaha ku haysatay goobta qurxinta dumarka, waxaana ay ka mid noqdeen labaduba dadkii goobta ku geeriyooday.

Allaha u naxariisto intii ku adhimatay dhismayaasha la weeraray.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0