HomeUncategorized

Dowladda Uganda oo Sheegtay in howl-gallo ka dhan Ah Al-shabaab la bilaabayo

Axad, Luuliyo 19, 2015 (Daljir) — Ciidamada Cirka Uganda ayaa sheegay in ay Somalia u dirayaan diyaarado dagaal si ay qayb uga qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Imaaraadka Carbeed oo furtay markab ay budhcad-badeed Soomaali ah dalkaas ka afduubeen.
Deegaanka Godod ee Mudug oo maanta lagu dagaalamay iyo nabbadoono baaq diray (Dhegeyso)
DHAGEYSO: Caawa & Daljir 15 May 2016 Wariye Cabdifitaax Cumar Geedi

Axad, Luuliyo 19, 2015 (Daljir) — Ciidamada Cirka Uganda ayaa sheegay in ay Somalia u dirayaan diyaarado dagaal si ay qayb uga qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada cirka Uganda, Maj. Kiconco Tabaro ayaa sheegay Jimcihii la soo dhaafay in diyaaradahan xoojin doonaan howlgallada Midowga Afirka ee Somalia, si Al-shabaab looga saaro deegaannada ay weli gacanta ku hayso.

“Ururka Midowga Afrika iyo innaga waxaan ku heshiinnay inaan diyaaradaheena dagaalka u dirno Somalia. Waxaana heshiisku uu dhigayaa in sida ugu dhaqsiyo badan aan u geyno halkaas,” ayuu yiri Maj. Tabaro oo la Hadlayay Wakaaladda Shiinaha ee Xinhua. Isagoo intaas ku daray in diyaaraduhu ay caawin doonaan ciidamada sidii dawooyin loo gaarsiin lahaa, loona soo qaadi lahaa dhaawaca.

Maj. Tabaro oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray. “Sida la ogyahay ciidankeenu waa kuwo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ku sugan, uuna aad ugu adag yahay dhaqdhaqaaqa iyo xiriirka dhanka isgaarsiinta. Marka diyaaradahan waa kuwo muhiim u ah in si fudud loo gaarsiiyo qalabka ay u baahan yihiin, dawo iyo daad-gureyntooda.”

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: