HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Maanta u dhoofay Nairobi

Sabti, Luuliyo 18, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-7-2015 u dhoofay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobi oo uu ugu ambabaxay safar shaqo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hambalyo udiray Ciidamadda Xooga Soomaaliya
Labada dugsi sare ee Nawaawi (Bossaso) & Al-waaxa (Garowe) oo isugu soo hadhay finaalaha barnaamijka Tartan & Tacliin.
Baahin: Axad, Jun 19, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Garowe. R/wasaare Farmaajo oo is-casilay, kuna sababeeyey u tanaasul ummadeed; Kalfadhiga 26-aad ee baarlamaanka Puntland oo maanta furmay; Afhayeen C/rashiid M. Xirsi oo tafaasiil ka bixiyey ajandaha kalfadhiga; Xukuumada M/weyne Faroole oo lagu dhaliilay in ay ku fashilantay siyaasada arrimaha gudaha & amniga; Dooxajoog oo sheegta in uu madaxweyne ka yahay maamulka Raas-casayr oo aan waraysanay.

Sabti, Luuliyo 18, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-7-2015 u  dhoofay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobi oo uu ugu ambabaxay safar shaqo.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey , Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo ku sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha la hadlay warbiihinta, waxaana uu sheegay in dalka Kenya uu u aadayo sidii uu usoo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo Kenya .

\’\’ In sha\’allah waxaan rajeynayaa inuu noqdo safar kheyr qaba oo guul noogu soo dhammaada , waxaan ku dardaarmayaa in dadka reer Puntland nabadooda, horumarkooda iyo wanaagooda xajistaan \’\’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

\’\’ Beryahaan waxaa nala joogay welina nala joogaya Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wada hadaladii aanu yeelanayna waxaa ay ahaayeen kuwo mira dhalay \’\’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa mudada uu ku maqanyaha dalka Kenya kulamo la qaadan doono madaxda ugu saraysa dalkaas, waxaana uu dib ugu soo laaban doona dalka gudihiisa.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0