Wiil uu dhalay hogaamiyihii hore Al-Qaacidda oo la baadi goobayo

HomeWararka

Wiil uu dhalay hogaamiyihii hore Al-Qaacidda oo la baadi goobayo

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa laashay muwaadinimada wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Osama Binladin, kadib qoraal kasoo baxay wasaarad

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Caddaalad-darro ku tilmaamay Dacwad Laalidda Cabdirashiid Janan
Gudoomiye Taabit oo Gudoomiyayaal Cusub U Magacaabay Degmooyinka Gobolka Banaadir

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa laashay muwaadinimada wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Osama Binladin, kadib qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi.

Go’aankan ayaa yimid maalmo kadib dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday inay abaal marin hal milyan oo doolar ay ku bixin doonto ciddii soo sheegtay halka uu ku suganyahay wiilkan yar.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaamtay inuu noqonayo Hamza Binladin hogaamiyaha mustaqbalka dhow ee Al-Qaacidda.

Wiilkan uu dhalay Binladin ayaa horay u sheegay inuu u aar gudi doono aabihiisa, isagoona beegsanaya dowladda Mareykanka.

Osama Binladin iyo ururkiisa ayaa dunida kusoo kordhiyay dilal iyo qaraxyo aan kala sooc lahayn, taasi oo loo gaysanayo qof walba oo dunida ka nool, taasi oo culimada islaamku si wayn ugu eedeeyeen inay raad ku lahayn  dhaqanka Islaamka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: