RW khayre oo fariin u diray shacabka Somaliyeed

HomeWararka

RW khayre oo fariin u diray shacabka Somaliyeed

Ra,iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed kala hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay Qaraxyaddii iyo Weeraradii ka dhacay

In ka Badan 10 Ruux oo Waqooyiga Galgaguud ugu Geeriyooday Shubanbiyood
Iran oo xayiraad dhanka kubadda cagta ah lagu soo rogay
Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada Puntland oo maanta dhistey maamulka cusub ee degmada Xinaglool

Ra,iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed kala hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay Qaraxyaddii iyo Weeraradii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kheyre waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tilaabooyin looga Jawaabayo Weeraradii ka dhacay Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ciidanka dowladda ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyeen dad badan oo Shacab ah kuwaasoo ay doonaayen Shabaab in ay laayaan .

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in aysan marnaba joojin doonin dagaalka lagula jiro Shabaab.

Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka dowladda Soomaaliya si looga hortaggo weerarada Shabaab.

Ku dhawaad 30 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyadii iyo Weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: