Madaxweynaha Jubbaland oo amar kusoo rogay saraakisha amaanka

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo amar kusoo rogay saraakisha amaanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada, waxaana Warbixino lagaga dhagaysta

Golaha Ammaanka ee QM oo War kasoo saaray xaaladda Soomaaliya
Xildhibaan Ismaacil Buraale: “Shaqada manta uu nin mas’uul u qaban karo waa nabadeynta
Taliyihii Booliska Degmada Afgooye oo Qarax Miino lagu dilay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada, waxaana Warbixino lagaga dhagaystay qaar kamid ah wasaaradaha, waxaana ka qayb galay Sarakiisha Ciidamada iyo gudiga shaqada iyo shaqaalaha.

Ugu horayn waxaa golahu uu isku raacay in dhamaan Ciidamada dowlada aysan ku lug yeelan howlaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed iyadoo ay goob joog ahayeen Taliyayaasha Ciidamada kala duwan waxaana la faray in dhamaan Ciidamada Dowladu ay ku shaqeeyaan awaamiirta saraakiisha iyo amarada Dowlada oo aysan marna ka qayb gali karin bandhig Siyaasadeed ama olole doorasho midna.

Sidoo kale golahu wuxuu isku raacay in shaqaalaha Dowlada aysan ka qayb gali karin ololaha doorashooyinka isla markana cidii lagu helo laga qaadi doono talaabo sharci ah dhamaana ay ka reeban yihiin ka qaybgalka arimaha Siyaasada iyadoo golahu uu faray gudiga shaqada iyo shaqaalaha in ay si dhow ula socdaan dhamaan shaqaalaha Dowlada oo ay qofkii lagu helo ka qayb qaadashada arimaha doorashooyinka ay ka qaadan talaabo sharci ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: