HomeUncategorized

Midowga Yurub oo Xal ka Gaaray Dayntii Gariigga

Isniin, Luuliyo 13, 2015 (Daljir) — Hogaamiyayaasha dalalka kujira Euro Zone ama Isticmaala lacagaha Yuurada iyo madaxda Greece-ga ayaa waxa ayaa wadahadalo adag kadib waxa ay gaareen heshiis muhiim ah kaasi oo lasheegay inuu sahlayo in Greece kasii mid ahaado Euro Zone lana siiyo taagero baahsan oo dhaqaale.

?Annagaa dalbanay Ciidanka oo waliba lugahayaga ugu tagnay madaxweynaha Puntland, annagoo u sheegnay Mudug inay ciidamo u baahan-tahay? Duqa Gaalkacyo Siciid.
Xildhibaan Mowliid Macaane iyo Faysal Xaaji Cilmi oo ku geeriyooday Nairobi.
Kulan looga Hadlayay Dar-dar galina Mashruuc aJPLG-ga oo lagu qabtay Madaxtooyada Garowe

Isniin, Luuliyo 13, 2015 (Daljir) — Hogaamiyayaasha dalalka kujira Euro Zone ama Isticmaala lacagaha Yuurada iyo madaxda Greece-ga ayaa waxa ayaa wadahadalo adag kadib waxa ay gaareen heshiis muhiim ah kaasi oo lasheegay inuu sahlayo in Greece kasii mid ahaado Euro Zone lana siiyo taagero baahsan oo dhaqaale.

Donald Tusk madaxweynaha Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in hogaamiyayaashu ay isku raaceen heshiis lala galo wadanka Greece-ga, kaasi oo u ogolaandoona inuu xubin kasii ahaado dalalka Isticmaala Yuurada, sidoo kalena lagu siinayo taageero dhaqaale.

Faahfaahinta heshiiska labada dhinac ayaa waxa ay sheegaysaa in heshiiskaan uusan qusayn daymihii horay loogu lahaa wadanka Greece-ga, kuwaasi oo halkoodii baaqi kusii ahaan doona, waxaan heshiiskaani imaanayaa xilli dhowaan shacabka Greece-gu ka codeeyeen qaabka daymaha dalkaasi loosiinayo.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: