Wasiirki hore arrimaha dibada kenya oo xog cusub soo bandhigay

HomeWararka

Wasiirki hore arrimaha dibada kenya oo xog cusub soo bandhigay

Mosees Wetangula oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen Heshiiskaasi x

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (daawo)

Mosees Wetangula oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen Heshiiskaasi xilligii Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mosees Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay, inkastoo uu isagu Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii.

“Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yiri Mosees Wetangula.

Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidda Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo QM, waa sida uu hadalka u dhigay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: