Isimada Puntland oo Canbaareeyay Shirka Cadaado

Isniin, Juun 29, 2015 (Daljir)_Afhayeenka Isimadda Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa sheegay mamulka laga dhisayo Cadaado inuu yahay mid dhibaato bulshada degan gobaladda dhexe u keeni kara isla markasna ay muhiim tahay in la raaco wadada saxda ah ee Dastuurka dalka ku qoran.

Garaad Ciid ayaa sheegay inuusan mamul rasmi ah noqon karin shirka Cadaado laga wado maadama Dastuurka wadanka uu sheegayo mamulka Federaalka ka mid noqonaya uu ka kooban yahay labo Gobal iyo wixii ka badan, wuxuna sheegay umadda inay u baahan yihiin in cadaalad lagu noqo.

Waxa uu Garaad Cabdilaahi Cali Ciid sheegay in waxa ka socdaa Cadaado ay tahay arrin qabiil oo la siyaasadaynayo isla markasna u baahan u laga hortago.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com