HomeUncategorized

Midowga Afrika oo Sheegay in Aysan Kormeerayl u diri doonin Burundi

Isniin, Juun 29, 2015 (Daljir)_ Qoraal kasoo baxay ururka Midowga Africa ayaa lagu sheegay in ururku uusan kormeerayaal udir doonin doorashada maanta ka dhacaysa dalka Burundi.

Baahin: Isniin, Mar 12, Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Wafti uu hogaaminayo M/weyne Faroole oo hawlo nabadeed u jooga Qardho, Karkaar; Dagaal xoogan oo ka socda gobolka Gedo; ciidanka dawlada federaalka oo kaabiga u saaran Baardheere Muran ka aloosan maamulka gobolka Hiiraan; M/weyne Shariif oo guddoomiye u magacaabay gobolka.
Roobab mahiigaan ah oo ka curtay deegaano hoostaga Buuhoodle.
War-bixin la xiriirta xaaladaha kala duwan iyo adeegyada bulsho ee degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Isniin, Juun 29, 2015 (Daljir)_ Qoraal kasoo baxay ururka Midowga Africa ayaa lagu sheegay in ururku uusan kormeerayaal udir doonin doorashada maanta ka dhacaysa dalka Burundi.

Qoraalkan oo maalintii Axada soo baxay ayaa lagu sheegay in ururka AU ku adkaysanayo inay muhiim waajib ah tahay in si xal waara loogaadho xasarada dalka Burundi lagu xaliyo wadaxaajood

‘‘Midowga Afrika kormeere kama noqonayo doorashada dhacaysa 29/06/2015,’’ ayay tidhi haweynayda gudoomiyaha u ah ururuka AU, Nkosazana Dlamini-Zuma.

Haweynayda gudoomiyaha qoraalkeeda waxay ku sheegtay in ururka Midowga Afrika ka niyad jibay in taladiisi ahayd in doorashada dib loo dhigo la aqbali waayo.

Wadanka Burundi waxaa ka taagan xasarado siyaasadeed oo khal khal galiyay amnigii dalka kadib markii madaxweyne Pierre Nkururnziza shaaciyay inuu mar sadaxaad isu soo taagayo doorashada dalka arintaas oo mucaaradku ka dhiidhiyeen dhimasho badan iyo xadhigna laga dhaxlay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: