Xisbiga Wadajir oo war ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Somalia iyo Kenya (Daawo)

HomeWararka

Xisbiga Wadajir oo war ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Somalia iyo Kenya (Daawo)

Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, iya

Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ciidamada Jubbaland oo ka gudbay Baladxaawo
Xulashada Daljir & Faadumo Degan Daahir , Daljir Bossaso (dhegayso)

Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Xisbiga uu taageeray mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka.

Xisbiga ayaa sheegay inuu ku garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ilaalinta wadajirka, midnimada xuduudaha dhulka iyo madax banaanida Qaranka Soomaaliya, waxaana Xisbiga taageersan yahay xaqnimada dacwada ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Sidoo kale Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda Kenya ilaalinta deris wanaaga, adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: