Ganacsade lagu dilay dalka koonfur africa

HomeWararka

Ganacsade lagu dilay dalka koonfur africa

Koox burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay magaalada Port Elizabethe waxay ku dileen muwaadin Soomalaiyeed oo ku ganacsanayay dalka Koofur Afrika Ma

Wasaaradaha Maaliyada iyo Kaluumaysiga oo ka guuraya dekeda Boosaaso.
Madaxweyne deni oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan kuwa badda PMPF
Warka Duhurnimo iyo Cabdinaasir Ibraahin Maxamed (dhegayso)

Koox burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay magaalada Port Elizabethe waxay ku dileen muwaadin Soomalaiyeed oo ku ganacsanayay dalka Koofur Afrika

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim ayaa waxaa toogtay Koox Burcad Koofur Afrikaan ah, isagoo saarnaa gaari yar, xilli uu ku sii jeeday goobtiisa ganacsi

Qaar ka mid ah Hoggaanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in toogashadan ay ka dhacday Xaafadda lagu magacaabo New Brighton ee Magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape.

Ciidamada Booliska ayaa durba gaaray goobta uu dilka ka dhacay, kuwaasoo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka, iyagoo la’aaday goobaha wax lagu baaro, waxaana la filayaa in maanta gelinka dambe lagu aaso Qabuuraha Muslimiinta ah.

Koofur Afrika waxaa joogto ka noqotay dilalka loo geysanayo ganacsatada Ajaanibta ah ee u badan Soomaalida, mana jirto Siyaasad cad oo dowladda Koofur Afrika ay ku wajaheyso arintaas, iyadoo Safaarada Soomaaliya ee dalkaasina ay noqotay mid aan waxba ka qaban dhibaatooyinka loo geysanayo dadka Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: