HomeUncategorized

Tartan iyo Tacliin 2015: Natiijooyin cajiib ah oo xalay lagu kala baxay tartanka dugsiyada sare Puntland

Barnaamijka Tatan aqooneedka dugsiyada sare Puntland ee Tartan iyo Tacliin ayaa si habsami leh uga socda Radiyow Daljir , waxaana xalay la tartamay qayb ka mid ah kuwooda ugu xiisaha badan ee tartanka oo ay isku arkeen dugsiyada kala ah Al-waaxa Garoowe iyo Salaaxu Diin Al-ayuubi Bosaaso , Cabdalle Ibraahim Ufayn iyo Xingalool Secondary School.rn

Daawo Sawiradda ciyaarihii shalay ee Galkacyo
Maxkamadaynta Burcad Badeed Somali ah oo ka bilaabanaysa Paris,France
Baahin: Sabti, 5 Oct 2013, Caawa Iyo Daljir Weriye Cabdirisaaq C Cabdi Silver ~ Daljir ~ Galkacyo
Barnaamijka Tatan aqooneedka dugsiyada sare Puntland ee Tartan iyo Tacliin ayaa si habsami leh uga socda Radiyow Daljir , waxaana xalay la tartamay qayb ka mid ah kuwooda ugu xiisaha badan ee tartanka oo ay isku arkeen dugsiyada kala ah Al-waaxa Garoowe iyo Salaaxu Diin Al-ayuubi Bosaaso , Cabdalle Ibraahim Ufayn iyo Xingalool Secondary School.
 
 
Qaybtii hore ee tartanka ayaa waxaa ugu horayntii ku tartamay Al-waaxa Garoowe iyo Salaaxu Diin Al- Ayuubi Bosaaso , waxaana labada dugsi ay soo bandhigeen dadaal aqooneed oo aad u balaaran , gabagabadiina waxaa kow iyo toban dhibcood iyo laba dhibcood ku adkaaday dugsiga sare Al-waaxa ee magaalada Garoowe.
 
 
Qaybtii xigtay ee barnaamijka ayaa waxaa tartan uu dhexmaray dugsiyada sare ee kala ah Sheekh Cabdalle  Ibraahim iyo Xingalool Secondary , gabagabadii ayaa waxaa guusha ay ku raacday Xingalool Secondary , iyadoo tartanka uu kusoo dhamaaday sagaal dhibcood oo ay heleen dugsiga sare Xingalool iyo Cabdilaahi Ibraahim oo la yimi lix dhibcood.
 
Caawa
 
Nugaal Secondary Vs  Nawaawi Qardho
 
Burtinle Secondary Vs  Al-nuur Baran
 
Radio Daljir
Bosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: