Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho kula kulmay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada (Sawiro)

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho kula kulmay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada (Sawiro)

Ra'iisul Wasaaraaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo kulmay wasiirrada kalluumeysiga ee Dowlad goboleedyada oo soo geba

Baarlamaanka oo Ansixiyay sharciyo muhiim ah
Al-shabaab oo la wareegtay degmada Matabaan
Unveiling Injustice: The Tragic Saga of Western Sitti in the Somali Region of Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo kulmay wasiirrada kalluumeysiga ee Dowlad goboleedyada oo soo geba gebeebey shir ay Muqdisho ugu qabatay wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay dadaalka iyo kulamada joogtada ah ee lagu horumarinayo kalluumaysiga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada in ay sii laba jibbaaraan wada shaqaynta si hannaan wadar oggol ah looga faa’iidaysto kalluumaysiga oo kamid ah khayraadka dalka uu leeyahay ee ka qayb qaadanaya horumarinta kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku jirta tubaha siyaadda loo dhanyahay iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa hal-beegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato waxaa kamid ah dhismaha guddiga Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo samaynta suuqya kalluumaysi oo Casri ah.

Sawiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: