Qoyska dhalay wiil miino la qaraxday oo DFS fariin u diray (dhegayso)

HomeWararka

Qoyska dhalay wiil miino la qaraxday oo DFS fariin u diray (dhegayso)

Dayax Mahad Daahir Xirsi oo ah Wiil yar oo da'diisu tahay 10 Sano jir ayaa ku dhaawacmey Miino uu ku ciyaarayay degmadda Balanballe ee gobalka Galg

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Ganacsatada Soomaalida ee Nairobi
TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA NUGAAL OO SHEEGEY IN GACAN BIR AH KUQABAN DOONAAN GANACSATADA MAANDOORIYAHA IIBIYA
Wasiir Cabbaas Hooyadi oo Farriin Dirtay iyo Dr Nuur Faarax oo ka Hadlay Qaabkii Dilku u Dhacay (Muuqaal)

Dayax Mahad Daahir Xirsi oo ah Wiil yar oo da’diisu tahay 10 Sano jir
ayaa ku dhaawacmey Miino uu ku ciyaarayay degmadda Balanballe ee
gobalka Galgaduud Wiilkaan yar ayaa la sheegay in hadda xaaladdiisa
Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka Balanballe

Rujaal Axmed Maxamed oo kamid ah aqoon-yahanka Balanballe oo waraysi
siiyay Radio Daljir ayaa ka hadlay sida miinada ay ugu qaraxdey Wiilka

Rujaal ayaa dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya,Maamulka
Galmudug iyo Hay’addaha ku shaqada leh Miino Baarista ugu baaqay in ay
Balanballe ka nadiifiyaan haraadiga aaladaha qarxa oo marara badan
saameyn ku yeeshey Dadka iyo Duunyada.

Ayaanle Cabdulaahi Jaamac oo kusugan degmadda Caabudwaaq ayaa
waraystay ugu horeyna waydiiyay sida ay ula qaraxdey miinada wiilka
yar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: