Wiil u dhashay dalka India oo waalidkiisa u dacwaynaya sababtii ay u dhaleen

HomeWararka

Wiil u dhashay dalka India oo waalidkiisa u dacwaynaya sababtii ay u dhaleen

Raphael Samuel oo ah 27 jir leh gar macmal oo u dhashay dalka Indiya ayaa ku dacwaynaya waalidkiisa sababta uu u dhashay, isagoona arrintaasi maxkamad

Caawa & Daljir iyo Maxamud Cabdi Ibrahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Qoysas Ku Nool Magaalada Caabudwaaq oo Gurmad La Gaarsiiyey (DHEGAYSO)
Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulan Xasaasi ah Yeeshay.

Raphael Samuel oo ah 27 jir leh gar macmal oo u dhashay dalka Indiya ayaa ku dacwaynaya waalidkiisa sababta uu u dhashay, isagoona arrintaasi maxkamadda u gudbiyay.

“Waa qalad in ilmo adduunka la keeno kadibna noloshiisa inta ka dhiman uu dhibaato ku dhamaysto.”ayuu yiri Raphael.

Ninkan hooyadii oo magaceeda lagu sheegay Kavita Karnad Samuel ayaa sheegtay in ay ku ammaaneyso wiilkeeda in uu maxkamad geeyo, isaga oo og in hooyadii iyo aabihiiba ay yihiin qareeno.

Samuel ayaa maxkamadda ka codsanaya in ay u xukunto magdhow ay waalidkiisa siiyaan.
Fikradda ninkan waxa ay salka ku haysaa aragti falsafadeed oo sheegaysa in nolosha ay tahay mid dhibaato badan, sidaasi darteedna la’iskaba dhaafo.

“Ma jirto wax faa’iido ah oo ku jirta nolosha, dad badan ayaa dhibaateysan, haddii bini’aadamka laga dhamayn lahaa adduunka, ciidda iyo xayawaankaba waxa ay noqon lahaayeen kuwa faraxsan”.ayuu yiri Raphael.

Arrintan ayaa noqotay mid baraha bulshada ee dalka Indiya iyo saxaafadda waddaankaasi aad uga cajibisay iyagoo wax ka qoraya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: