Dowladda Soomaaliya oo u fasaxday Maamulka Jubbaland lacago ay horay uga xayirtay

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo u fasaxday Maamulka Jubbaland lacago ay horay uga xayirtay

Dowladda Soomaaliya ayaa Maamulka Jubbaland u fasaxday lacag gaareysa $1.2 milyan oo dollar, kaasoo horay u xayirtay, tan iyo markii uu soo if baxay k

War Murtiyeed ka soo baxay shirkii 2aad ee aqoonyahanka Gobolka Sanaag (akhri)
Hay’adda Socdaalka oo xaafiis ka furatay degmadda Baar-dheere
Xoghaye Cumar Cabdirisaaq “Maamul hoosaadka oo hufan wuxuu muhiim u yahay Horumarka Caasimadda”

Dowladda Soomaaliya ayaa Maamulka Jubbaland u fasaxday lacag gaareysa $1.2 milyan oo dollar, kaasoo horay u xayirtay, tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Lacagtan ayaa loogu tala galay dhismaha mashaariic horumarineed iyo dhismaha waddooyinka oo laga hirgelinayo magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho lagu wareejiyay lacagtaas.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal sanadkii hore u qortay maamul goboleedyada waxay kaga dalbatay inay soo gudbiso xisaab xirka iyo sida loo qoondeeyay lacagaha horay loogu diray.

Dowladda Federaalka ayaa qeyb ka siisa maamul goboleedyada taageerada dhaqaale ee beesha caalamka ku bixiso horumarinta mashaariicda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa waxay horseedeysa isu soo dhowaansho bilow ah oo dhex mara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib markii maamul goboleedyada ay bishii September ee sanadkii hore ay hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: